Menu Close
Previous
Next

Hiigsigeenna Siyaadsadeed (Our political Vision)

  • Waxaa naga go’an, oon hiigsanaynaa inaan muddo10 sanno gudohood ah Soomaaliya ka dhigno Dal loo soo shaqo doonto, loona soo dalxiiso.Waxaan ku taamaynaa inaan Dalkeenna ka suuulino in lagu dulmo Noolaha Eebbe ku alkumay iyo in Dadkeennu noqdaan Dad Diintooda iyo Dhaqankooda suuban ku faana, oo isfara wanaaga, xumahana iska reeba.
  • Waaxaan sidoo kale hiigsanaynaa in Dadkeennu ku noolaadaan Barwaaqo-sooran iyo Nabad waarta, oo keenta inay seexdaan, iyagoon xiran albaabada guryahooda, kana baqayn in Tuug usoo dhaco.
  • Waxaan si dhab ah u hiigsanaynaa inaan Ubadkeenna uga tagno Diin-difaacan, Dhaqan-dhowrsan iyo Nidaam-siyaasadeed sugan, oo aan Danayste iyo Cadow midna dumin karin.
  • Waxaan si Kal iyo Laab ah u hiigsanyanaa inaan hirgelino Nidaam Siyaasadeed, oo Qarniyaal lagu ilaalin doono Dastuurka iyo sarraynta Sharciga. Nidaam siyaasadeed oo ku abtirsada Diinteenna iyo Dhaqankeenna suuban.
  • Nidaamkaas wuxuu dhidibada u taagayaa Dowlad u adeegta shacabkeeda oo gaarta Aqal walba, ee Muwaaddin Soomaaliyeed ku noolyahay. Dowlad gudata waajibaadka ka saaran Diinta, Dalka iyo Dadka, dambarkeedana ay maalaan muwaaddiniinta oo idil.
  • Hiigsigeennu waa, in bulsho-weynta Soomaaliyeed noqoto Bulsho isjecel oo leh dareen-guud, oo ku  salaysan Qarannimo ka wayn qabayarada Qabyaaladda. Bulsho ka kortay Midib-Takoorka, Af-Takoor, Jinsi-Takoor, Nasab-Takoor iyo Cillad-Takoor.
  • Waxaa naga go’an, oo aan hiigsanaynaa in Dadkeennu si dhab ah u fahmaan ujeedadii loo abuuray, una guntadaan inay difaacaan oo ay fuliyaan hadafkii Eebbe u abuuray, si ay Adduun iyo Akkhiroba wanaag iyo rayn-rayn ugu noolaadaan.
  • Ugu dambayn waxaan ku taamaynaa inaan 2040-ka hirgelinoTobban iyo toddobada Yool (Qorshaha Adduunka) ee Dowladaha horumaray hiigasanayaan inay fuliyaan 2030- ka, kuwaaas oo ah:
  • In la ciribtiro nuucyada kala duwan ee faqriga.
  • In laga hortego, la jooiyo Gaajada iyo Abaaraha Dadka iyo Duunyada halakeeya.
  • In la xaqiijiyo, lana horumariyo caafimaadka iyo rayn-raynta Aadanaha.
  • In Dadku fursad siman u helaan Waxbarasho tayo leh, si ay u maareeyaan noloshooda.
  • In Xuquuda iyo fursadaha Shaqo iyo Waxbarasho ee Dumarka la horumariyo.
  • In la xaqiijiyo in Insaanka oo idil helaan Biyo Nadiif ah.
  • In Dadku ay helaan (Tamar) Koronto qiimo jeban oon fasaadayn Deeegaanka.
  • In Dadka shaqaysan kara ay helaan Shaqo hufan oo noloshooda kaafisa.
  • In la dhiso Infrastructure nuxur leh, oo saacidaya Warshadaynta iyo Hal-abuurka.
  • In la yareeyo kala sarraynta Dhaqaale ee Dadka iyo Dalalka Adduunka.
  • In la tayeeyo Magaalooyinka, lana sugo horumarkooda, iyadoo laga ilaalinayo fasaad.
  • In Wax-soosaarka Beeraha iyo Xoolaha loo kobciyo si mas’uuliyad ku dheehantahay.
  • In laga hortego isbeddelka Cimilada iyo aayaha ka dhalan kara.
  • In kheyraadka Badaha looga faa’iidayso si wanaagsan, loona turo kheyraadka.
  • In noolaha Dhulka la badbaadiyo, lagana hortago Nabaad-guur iyo Carro-doorsoon.
  • In la taageero Nabadda, Sinnaanta iyo Caddaalada, lana tayeeyo Hay’adaha Dowliga.
  • In la nooleeyo Ganacsiga iyo wax Wada-qabsiga u dhexeeya Dowladaha Adduunk