Menu Close
Previous
Next

Qorsho Siyaasadeedkeena (Our political mission)

Waxaan usoo bandhigaynaa Shacabka Soomaaliyeed Aragti-siyaasadeed Cusub, oo ku dhisan Run-sheeg, oon si wadajir ah ugu dhisayno Soomaaliya cusub, oo shacabkeedu ka faano Been, kuna dhaqmo Diinta iyo Dhaqankeena suuban. Si hadafkaas aan u gaarno waxaan doonaynaa inaan hirgelino qorsho siyaasadeedka hoos ku qoran:

  1. Dhowrista iyo dhamaystirka Dastuurka(Constitutional order)

Waxaan u istaagaynaa inaaan muddo xileedka dowladdayada ku dhamaystirno Dastuurka Dalka. Sidoo kale waxaan u ballanqaadaynaa Ummadda Soomaaliyeed inaan lagu takrifalin awooda Dowladda, In Howl-fulineedka Dowladda la waafajiyo Dastuurka iyo inaan soo dhisno Maxkamadda Dastuurka oo Dowladihii hore aysan ku guulaysan inay soo dhisaan.

  1. Talinta iyo sarraynta Sharciga (Rule of law)

Waxaan ka shaqaynaynaa in Sharcigu taliyo, loona sinnaado. Si hadafkaas loo gaaro waxaan dhisaynaa Garsoor Madax-bannaan oo ka hufan Dulmi. Si aan uga hortagno Eex iyo Dulmi waxaan hirgelinayana Guddi Xeerbeegti ah, oo ka qaybqaata xukunka Maxkamadaha.

  1. Isla-xisaabtan dhab ah (Acccountbility)

Waxaan ka shaqaynayaa in Mas’uuliyiinta Dowladdu ay ku dhaqmaan Shuruucda Dalka, una gutaan waajibaadkooda Shaqo, si ku dhisan Isla-xisaabtan dhab ah. Waxaan diiwaangelinaynaa hantida Mas’uuliyiinta xilka lagu aaminayo intaan xilka loo dhiibin ka hor. Si looga hortago Boob iyo Dhac waxaa la xisaabinayaa hantidooda, markay xilka ka tegayaan.

Waxaan sidoo kale ka shaqaynaynaa in lagula xisaabtamo natiijada ficilkooda.Waxaan ballanqaadaynaa in Mas’uul walba uu ficilkiisa Shaqo sababeeyo, Qiilna uu helo, haddii kale lala tiigsado Sharciga.

  1. Daah-furnaan (Transparency)

Waxaan ballanqaadaynaa in wax-qabadka Dowladdu uu noqdo mid u Daah-furan Muwaaddiniinta. Waxaan u soo bandhigaynaa Shacabka Heshiisyada ay Dowladdu la gasho Shirkadaha iyo Dowldadaha Shisheeye. Waxaa naga go’an inaan hirgelino Isla-xisaabtan iyo Daah-furnaan dhab ah, si aan Is-aamin iyo isku kalsooni dhab ah uga dhex abuurno Shacabka iyo Dowladda.

  1. La dagaallanka Musuqa (Anti-corruption)

Waxaan dabar-gooynaynaa Musuqa ragaadiyay Dowladnimda Soomaaliyeed.Waxaan u guntanaynaa in la helo Nidaam Dowlo oo ka hufan Fasaad iyo Boob. Si hadafkaas loo gaaro waxaan meelmarinaynaa Xeer-ciqaabeed dhigaya, in Shaqsigii lagu helo Musuqmaasuq laga mamnuuco inuu qabto Xil Dowlo. Waxaan sidoo kale samaynaynaa Olole looga hortegayo Musuqa, oo lagu wacyigelinayo Shcabka, si ay u fahmaan, in Xilka Dowlo loogu adeego Shacabka, ee aan looga adeegan.

  1. Sugidda Amniga (Law & Order)

Waxaan si dhab ah wax uga qabanaynaa Amniga Dalka, oon u aragno inuu yhay Lafdhabarta horumarka Dadka iyo Dalka. Sidaas awgeed waxaan muddo seddax sano gudohood ah ku xasilinaynaa Amniga Dalkoo dhan. Waxaan Degmooyinka Muqdisho saaraynaa Iskaan (Scan) ujeedadiisu tahay inaaan ka sifayno Hubka. Dabadeedna waxaan bilaabaynaa inaan Iskaan saarno Magaalooyinka Dalkoo idil, si aan usugno Anmiga.

  1. Dib u habaynta Hay’adaha dowliga (Institutional reform)

Waxaan si qoto dheer wax uga beddelaynaa qaab dhismeedka Hay’adaha dowladda iyo wax-qabadkooda. Annagoo doonayna inaan tayayno Degmooyinka Dalka, si ay u daboolaan baahida Shacabka, waxaan dib u habayn balaaran ku samaynaynaa howlaha Degmooyinka sida; Canshuuraha, Ururada Bulshada, Fayadhowrka, daryeelka Dadka dhimirka la’, Derbijiifka, Xanaanaynta Ubadka & Waayeelka, maaraynta Qashinka, Damdamiska, Garoomada iyo Shaqo-abuurka.

Sidoo kale waxaan dib u habaynaynaa shuruudaha lagu noqdo Degmo. Waxaan ka dhabaynaynaa in shaqaalaynta shaqaalaha Dowladda lagu saleeyo Xirafad, Aqoon iyo Khibrad, si looga hortago in Qabyaalad Shaqo lagu helo.

  1. Horumarinta adeega bulshada(Service delivery)

Waxaan hirgelinayaa Adeeg-caafimaad oo tayo leh oo lacag la’aan ah. Hadafkaas si loo gaaro waxaan muddo sanad gudahiis ah ku howlgelinaynaa Isbitaalada Dowladda. Sidoo kale waxaan mudaananta 1-aad siin doonnaa Hooyada iyo Dhallaanka iyo in laga hortago cudurrada faafa. Waxaan ka shaqaynaynaa, in Waxbarashada Dalka la tayeeyo, laguna saleeyo dhaqankeena suuban. Si hadafkaas loo gaaro waxaan midaynaynaa Waxbarashada Diiniga iyo tan Maadiga ah, waxaana Dugsiyada Qur’aanka hoos keenaynaa Wasaaradda Waxbarashada. Si Shacabkeenu u helo Biyo Nadiif ah waxaan ku waajibinaya Shirkadaha biyaha inaysan iibin karin Biyo aan Nadiif ahayn. Degmo kasta waxaan ku waajibinaynaa inay nadiifiso Degaankeeda iyo inay yeelato Fayadhowr hufan. Si aan u kobcinno Dhaqaalaha Dalka waxaan hirgelinaya Infrastrcuture u sahlaya Ganacsatada inay badeecadooda iibgeeyaan. Waxaan sidoo kale meelmarinaynaa Xeer dhowra xuquuqda Maskax-maalka.

  1. Horumarinta Dimuqraadiyada (Democratization)

Waxaan ballanqaadaynaa inaan Dalkoo idil ka hirgelino Demoqraadiyad (Talo-wadaag) hufan oo Madaxtooyo iyo Masaajidba ka shaqeeya, si muwaaddiniintu u helaan Fursad ku dhisan Caddaalad iyo Sinnaan ay uga qaybqaadan karaan horumarinta iyo dib u dhiska Dalkooda Hooyo.