Menu Close
Previous
Next

Ka Qaybqaado yagleelidda Soomaaliya Cusub

Haddii aannahay Dadka Soomaaliyeed waan kala duwannahay.Waxaan isgu jirnaa Dhalinyaro,Waayeel, Reer-miyi, Reer-magaal, Bukaan, Bedqabe, Muruqmaal, Loo Shaqeeye, Shaqaale-Dowladeed iyo Mid Shirkad u shaqeeya, laakiin waxaa naga dhexeeyay Masiir Ummadeed, Dhaqan, Dhiig, Dhul iyo Diin u baahan in la dowro, lana horumariyo.

Waxaan dhammaanteen ku nool nahay Nabadgelyo la’aan, Xorriyad la’aan iyo Nolol-xumo ay abuureen Jiilalkii hore iyo kuwo weli nool.

Haddaba waxaan u baahannahay inaan la nimaado Isbedel dhab ah, oo aan ku hagaajinayno nolosheenna dhinac walba. Waxaa nagu waajib ah inaan Ubadkeenna u abuurno Fursado ka wanaagsan kuwii Waalidiinteen noo abuureen.

Anigu ka Musharax ahaan waxaan ku taamayaa inaan hirgeliyo Dowlad tayo leh, oo horumarin doonta nolosha Dadka Soomaaliyeed ee hadda nool, ayna u aayi doonaan Jiilalka Mustaqabalka danbe.

Waxaan doonayaa inaan burburiyo Gidaarada lagu kala gooyay Muwaadiniinta Soomaaliyeed, kuna beddelo Buundooyin u sahlaya Shacabka Soomaaliyeed inay isdhaxgalaan oo ay Farxad kuwada noolaadaan.

Waxaan ku taamayaa inaan si dhab ah wax uga beddelo Nidaam-dowladeedka soo jireen ka ah, ee ku dhisan Boobka iyo Musuqa aan xadka lahayn, kaasoo meesha ka saaray inaan helno Dowlad aan ku kalsoonnahay.

Hadafka isbeddel doonkaygu waa in Dadka Soomaaliyeeed ay helaan Adduun iyo Aakhiro wanaagsan.

Waxaan haddaba soo dhowaynayaa cid walba oo doonaysa inay igala qaybqaadato yagleelidda Soomaaliya cusub, oo ku dhisan Caddaalad, Amni, Is-aamin iyo Wax-wadalahaansho.

NALA DHIS DAlKA

MA DOONAYSAA INAAD NAGALA QAYBQAADATO  DHISMAHA DALKAAGA?

In kastoon ahay Aqoonyahan, Wayo-arag in muddo ah, ku noolaa Dalka, oo Xog-ogaal u ah arimaha siyaasadda Dalka, haddana waxaan aaminsanahay inay jiraan wax baddan oo aanan ogayn. Sidaas awgeed waxaan aad iyo aad u danaynayaa inaan la tashado Dadkeeyga oo aan dhegaysto argatiyadooda kale duwan.

Haddaba waxaan kaa codsanyaa inaad wax ka curiso Siyaasad tayo leh, oo lagu badbaadiyo, laguna horumariyo Dadka, Diinta iyo Dalka.

KU SOO BIIR CURINTA SIYAASADDA DALKAADA

Haddaii aad heyso Aragti cusub oo la jaanqaadi karta aragtideenna Siyaasadeed, waxaan jeclaan lahaa inaad nagu soo biirto, si aan Wadajir ugu helno xal-waara hagardaamooyinka Siyaasadeed ee Dadkeenna iyo Dalkeenna halakeeyay.

Haddii aad doonayso inaad isdiiwangeliso, waxaa lagaa codsanayaa inaad Foomka hoose ku qorto waxaad xiisayso iyo Waayo-aragnimodaada Siyaasadeed ama  xirfadaada Shaqo. Kolkaas kadib waxaan kuugu yeeri doonnaa wadahadal Siyaasadeed.

.

Soomaaliya waxay u baahantahay Kaabayaal-dhaqaale oo nolosha Dadka wax ka beddela, lana jaanqaada horumarka Adduunka

Anigu haddii aan hanto xilka Madaxweynenimada Dalka waxaa iga go’an, inaan dhiso infrastructure dabooli kara baahideenna dhaqaale, maxaayeelay wax soo saarka Dalka waxaa asaas u ah, isusocodka Dadka iyo Badeecada. Sidaas awgeed waxaan maalgelin doonaa infrastructure cusub. Sidoo kale waxaan dayactir doonaa kii horay u jiray.

Haddii Eebbe idmo inaan noqdo Madaxweynaha Dalka waxaan guntiga u xiranayaa inaan hirgeliyo kaabayaal-dhaqaale, oo si guud wax uga beddeli doona nolosha Bulshada Soomaliyeed, si khaas ahna u caawin doona dhalinyarada Soomaaliyeed ee shaqo doonka ah. Waxaan ka shaqayn doonaa inaan fursado u abuuro Shirkadaha waawayn ee Caalamka iyo inaan kobciyo, oon horumariyo Ganacsiga iyo Shirkadaha Dadkeennu ay leeyihiin.  Sababtoo ah kobcinta Shirkadaha khaaska loo leeyahay waxay Shaqo u abuuraysaa Dadka Soomaaliyeed ee shaqaysan kara, waxayna hodon ka dhigaysaa Dalkeenna.

Inkastoo Dalkeennu yahay Dal ka soo kabanaya Dagaal sokeeye, haddana waxaa jira Horumar la taaban karo, oo Private sectors-keennu ka gaareen xagga Isgaarssinta, Biyaha iyo meelo kale oo badan. Runtii waa arin lagu farxo, laguna faani karo, in Private sectors-ka Dalka ay ku tallaabsadeen Horumar fiican, Shaqona u abuureen Dad badan oo Soomaaliyeed, balse Faanoole fari kama qodna. Sidaas darteed waxaan u ballanqaadayaa Shacabka Soomaaliyeed inaan la dagaallami doono Shaqo la’aanta dhibaatada ba’an ku haysa dhalinyarada Soomaaliyeed, taasoo sababta mustaqabal xumo sida: in dhalinyaradeennu Balwad yeesheen, tahriibaan, (dabadeedna ay ku dhintaan Badaha), Isqarxiyaan iyo in Maankooda la doorsho.

Waxaan u ballanqaadayaa Dadka Soomaaliyeed haddii ay ii doortaan xilka Madaxweyne, ee aan u sharaxanahay, inaan muddo xileedkayga afarta sano ah, ku dhisi doono Waddo (Highway) isku xirta Kismaayo ilaa Hobyo. Waddadaas waxay keeni doontaa:

  • In wax Soosaarka Dalkeennu kobco
  • In waxaan dhoofino ay ka bataan waxa aan soo dhoofsanno
  • In Shaqo la’aantu yaraato iyo in si guud dhaqaalaha Dalka iyo nolosha Dadkeennuba u hagaagaan.

Waxaa hubaal ah inaan si wadajira ah u hirgelin karno Kaabayaal-dhaqaale oo nolosha Dadkeenna si dhab ah wax uga beddeli kara, lana jaanqaadi kara horumarka Adduunka, balse waxay u baahantahay inaan ku midoowno Aragti iyo Feker siyaasadeed, oo ka ambaqaadaya Diinteenna iyo Dhaqankeenna suuban, iyo inaan dooranno Hogaamiye Daacad ah, oo dhowra Dastuurka Dalka, iyo inaan annagu difaacanno Qiyamkeenna iyo Mabaadii’deenna asaasiga ah.

Dhiiro adoo dhowrsahaa, waa dhergi doontaaye. Nimaan dhiiran ma noola.